Todobadan qodob ayaa ka soo baxay kulankii Madaxweyne Biixi iyo ururada siyaasaddda Somaliland:
1) In arrimaha Qaranka Ururada iyo Xukuumaddu meel uga soo wada jeedsadaan, waxkasta oo Qaranka ku yimaadna si midaysan looga hortago.
2) In xaaladda Laascaanood lagu soo dabaalo nabad iyo wada-hadal, si xal waara loo gaadho.
3) In madaxda Ururaddu ay taageereen xabad joojinta xukuumaddu ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen dhanka kale in ay fuliyaan, sidoo kale waxay hoggaamiyeyaasha Ururadda iyo xukuumaddu isla garteen in la sii wado dadaalka nabada ee Laascaanood.
4) In Ururadda siyaasadu gacan buuxda ka geystaan xal u helidda Colaadda Laascaanood.
5) In Qaran ahaan Taakulo iyo Gurmad deg-deg ah loo fidiyo bulshadda ka barakacday Magaaladda Laascaanood.
6) In ururadda siyaasaddu leeyihiin xuquuq siyaasadeed oo la mid ah ta xisbiyaddi hore, islamarkaaa ay qayb ka yihiin taladda iyo wada-hadalkasta oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.
7) Ugu danbayn, waxa si wadajira la iskula gartey in Ururaddu ay iska soo saaraan hal-hal xubin oo qayb ka noqda taladda iyo wada-hadalada doorashooyinka.
Dhanka kale
Soomaliland oo maalintii 8aad duqaynaysa laascaanood iyo dagaal teel teel ah oo ka socda hareeraha magaaalada laascaanood.
Wararka ka imaanaya magaalada laascaanod ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaalku uu ka socdo dhanka bari ee magaalada halkaas oo wararku sheegayaa in la dilay taliyihii Ciidanka Gama'adiid, ee Soomaliland .
Dhawaaqa madaafiicda labada dhinac is waydaarsanayso ayaa laga maqlayaa goobaha dagaalka iyadoo Soomaliland isku dayeyso in ay aagag cusub ka weerarto magaalada .
Labada dhinac ayaa helayo gurmadyo kala duwan waxaana Soomaliland ay gurmad Ciidan geysay dhanka waqooyi ee magaalada oo ay aag cusub ka samaysteen sida wararka aanu halkaas ka helayno sheegayaan.
Djabuuti
Djabuuti oo ka hadashay markii u horaysya dagaalka laascaanood.
Wasiirkaa arimaha dibada Djabuuti Maxamuud Cali yuusuf ayaa sheegay in aysan lug ku lahayn dagaalka Gobolka Sool wuxuu shegay in u dhex u yihiin dhinacyada dagaalamaya.
Dawlada Jabuuti ayaa horay loogu eedeeey in dhinac la jirto Isimada Gobolka Sool ayaana ku gacan saydhay dhexdhexaadin uu isku dayey Madaxweynaha dalkaas Ismaciil cumar Geele.